Somali News

Al-shabaab oo baneeyay degaano katirsan degmada Ceelbuur

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo degaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in  dagaalamayaasha Al-Shabaab ay maanta isaga baxeen deegaanadaasi.

Deegaanada ay Al-Shabaab baneeyeen ayaa waxaa ka mid ah Ceelbaxay iyo Goola-goole oo hoostaga Magaalada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.

Sababta ay Al-Shabaab u baneeyeen deegaanada ka tirsan Galgaduud ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada ka tirsan Gobalka Galgaduud ay dul-heehaabayaan diyaaradaha dagaalka.

Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta dagaalamayaasha Al-Shabaab ay faarujiyeen deegaanadda ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.

Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa  waxaa ay cabsi badan ka jirtay deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud.