Somali News

Al-shabaab oo dad isku qoys ah ku dilay Waajid

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa weeraray guri ay jiifeen carruur iyo dumar oo ku yaalo degmada Waajid, waxaana ku dhintay 7 qof oo isku qoys ah.

Dadka dhintay ayaa ka kooban Hooyo, Carruurteed iyo Aabaha guriga oo ahaa Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay banaanka guri inta istaageen in ay rasaas ku fureen, waxaana jiray iska caabin uu sameeyay aabaha guriga inkastoo markii dambe dhamaan qoyskii la dilay.

Taliyaha Waajid Daahir Aadan oo la hadlay KNN ayaa xaqiijiyay falkaan argagaxa leh.