Somali News

Al-shabaab oo ka hadlay kacdoonka dadka shacabka ka wadaan Gobolada dalka

Afhayeenka Guud ee ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kacdoonka ay bilaabeen dadka shacabka, islamarkaana looga soo horjeedo ururkooda.

Cali Dheere ayaa beelaha Soomaaliyeed ugu digay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka xilligan ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka, isagoona ku hanjabay in ay beegsan doonaan beelkasto oo lug yeelata dagaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka foggaadaan xarumaha ay degan yihiin dowladda iyo xubnaha beesha caalaamka, islamarkaana ay weerari doonaan.

Kacdoon ka dhan ah Al-shabaab ayaa ka socda deegaanada Galmudug, Hirshabellr iyo Koofur galbeed, iyadoona haatan deegaano dhowr laga saaray ururka Al-shabaab, islamarkaana laga dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan ururkaasi, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.