Somali News

Al-Shabaab oo saacado gudahood weerarkii labaad ka fuliyay gudaha Kenya

Nairobi-KNN-Dagaalamayaal ka tiran Al-Shabaab ayaa maanta weeraray saldhig ay ciidamada booliska Kenya ku leeyihiin deegaan hoos taga magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Deegaanka uu ku yaallo saldhigga ay Al-Shabaab weerarkaas ka fuliyeen waxaa lagu magacaabaa Qorof-Xaraar, waxuuna qiyaastii 50 KM u jiraa magaalada Wajeer.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal xoog leh uu ka dhacay gudaha saldhigga ay Al-Shabaab weerareen, kaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Kenya.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, balse warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa qortay in ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhigga uu khasaare soo gaaray.

Weerarkaan ayaa imaanaya, iyadoo saacado ka hor weerar kale oo dad badan lagu dhaawacay ay Al-Shabaab ku qaadeen gaari Bus ah oo marayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera ee dalka Kenya.