Somali News

Al-shabaab oo sheegtay iney isku soo dhiibeyn Ciidan katirsan Ilaalada Madaxtooyada Jubbaland.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee G/Jubbada Dhexe ku soo bandhigay 3 Askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Maamulka Jubbaland, kuwaas oo ay sheegeyn iney ka soo baxayn maamulkii ay katirsanaayeen ayna isku soo dhiibayn Al-shabaab.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka isku dhiibay ay katirsanaayeen Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Kismaayo iyo sidoo kale Istaafka Axmed Madoobe. Qoraal lagu daabacay Page- Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in raggaan ay lasoo goosteen hubkii ay ku ilaalinaayeen Madaxtooyadda maamulka Jubbaland.

Ma jirto wax cadeyn ah oo loo haayo in ragaan ay katirsanaayeen Maamulka Jubbaland, marka laga reebo sheegada Al-shabaab. Dad badan ayaa aaminsan in aysan jirin sabab loogu biiro Al-shabaab inta looga baxo maamul goboleedyada iyo Ciidamada Soomaaliya, waxaana wararka Al-shabaab loo arkaa dacaayad ka dhan ah Milateriga Soomaaliya.