Somali News

Al-Shabaab oo xalay weeraray Degmada Afgooye.

Afgooye-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ee ku yaalla  degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Deegaanada ay weerarka ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Buulo foolyo, kontoroolka Mukeyga iyo duleedka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay ka barakaceen goobihii ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa Dhowr jeer waxaa ay weeraro ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladdda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.