Somali News

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo la sheegay inay soo galeen Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wasiirkii hore ee Amniga  C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi siiyay KNN  ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen Magaalada caasimada ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in dowladda Soomaaliya laga doonayo in ay la timaado qorsho cusub oo lagu sugayo amniga Magaalada muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Risaaq Cumar ayaa  waxaa uu sheegay in dowladdu aanay heyn istiraatiijiyadii wax looga qaban lahaa amniga  ama lagu baabi’in lahaa Al-Shabaab, isagoo xusay  in weerarada Al-Shabaab ay ku soo qaadaan Muqdisho ay ugu wacan tahay, iyadoo aan wax dagaal ah lala gelin.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay ku mashquushay oo kaliya baraha bulshada iyo dagaalka siyaasiyiinta iyo dadka ka afkaarta duwan.