Somali News

Amaanka Xarunta Gobalka Banaadir oo la adkeeyay

Muqdisho-KNN-Maamulka gobolka banaadir ayaa ka hadlay amniga xarunta dawlada hoose ee Xamar, waxaana ay sheegeen in si wayn loo adkeeyay amniga xarunta oo idil .

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada  gobolka banaadir ahna kusimaha gudoomiyaha gobolka banaadir  Ibraahim Cumar MahadAlle, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ammaanka xarunta lagu sameeyay isbadal wayn, isla markaasina uu sheegay in ciidamada amniga xaruntu ay si wanaagaan hawlahoodu u gudanayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ibraahim in wali ay laamaha amnigu ay wadaan baaritaano la xiriira waxyaabihii ka dhacay gudaha xarunta dawlada hoose ee xamar.

Waxa uu intaa ku daray in shaqooyinkii caadiga ahaa ee gobolku ay si wanaagsan u socdaan.

Hadalkan Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka banaadir ahna kusimaha gudoomiyaha gobolka, ayaa kusoo beegmaya iyadoo 24-kii july xarunta dawlda hoose ee Xamar uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah, kaasi oo galaaftay nolosha sagaal masuul oo ka tirsanaa masuuliyiinta gobolka iyo sidoo kale dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray qaar kale oo uu ku jiro gudoomiyaha gobolka ahna duqa muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo hadda dalka Qadar u jooga xaalad caafimaad .