Somali News

Aqirso:-Kulan dhexmaray Hirshabeelle iyo AMISOM

Jowhar-KNN-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta safar ku tagay Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waxana kulanka ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Iyadoo ay ka wada hadleen amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada looga saaraya Shabaab dhulka Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan gulufka shabaab lagu wado.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajahan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba looga faa’iideysto waqtiga.