Somali News

Askar ka tirsan Puntland oo lagu qarxiyay Gobalka Bari

Boosaaso-KNN-Qarax miino ayaa maanta waxaa lala beegsaday Goob lagu shaaheeyo oo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan maamulka Puntland,waxaa ayna ku taala tuuladda Af-urur ee gobolka Bari.

Inta la xaqiijiyay saddex askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaana ku dhaawacmay.

Askarta ku dhaawacantahay ayaa loo qaaday isbitaalka Magaalada Boosaaso, iyadoona halkaasi lagu baxnaaninayo xaaladooda Caafimaad.

Saraakiisha Maamulka Puntland weli kama hadlin qaraxa ka dhacay Gobalka Bari.

Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyada qaraxa lala beegsaday askarta Ka tirsan Puntland.