Somali News

Askari ka tirsan Booliska Soomaaliya oo askari kale ku dilay Muqdisho.

Muqidsho-KNN-Askari ka tirsan Ciidanka  Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay in askari kale uu maanta ku dilay  Isgoyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir Gobolka  Banaadir.

Dilka askariga ayaa ka dambeeyay , kadib markii askariga oo watay Gaari uu isku dayay in uu si xoog ah ku maro  koontorool  ay ku sugnaayeen Ciidamada booliska Soomaaliya ,hayeeshee askari kale oo goobta ku sugnaa ay wada mureen sidaasina askariga lagu dilay.

Askariga dilka geystay ayaa lagu soo waramayaa  in uu goobta ka baxsaday,isla markaana meydka askariga la dilay ay goobta ka qaadeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, sida ay Goobjoogayaal u sheegeen Idaacadda Kulmiye.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan sida ay ugu dhaceen isgoyska Dan-wadaagaha ee Gobalka Banaadir.