Somali News

ATMIS oo ciidamada xoogga ku wareejisay saldhig ay ku laheyd Hirshabeelle

Taliska Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa Axadii shalay Ciidamada Xoogga dalk ku wareejiyay Saldhig ay ku lahaayeen degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexel

Saldhiga Bio Cadale oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ayaa ah aag muhiim ah oo laga ilaaliyo amniga magaalada Jowhar, oo ah xarunta dhexe ee maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

ATMIS ayaa sheegtay in ay billaawday wajigii labaad ee qorshaha amniga dalka ay ugu wareejinayaan ciidamda Soomaalida.