Somali News

Axmed Karaash oo arrimaha abaaraha kala haddlay mas’uuliyiin ka socday dowladdaha Finland iyo Norway

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Safaaradaha dowladdaha Finland iyo Norway.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Abaaraha deegaanada Puntland, xoojinta taageerada dhinaca waxbarashada ee ay Puntland siiyaan dowladdaha Finland iyo Norway, Maamul baahinta iyo Dimuqraadiyada.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey waftiga booqashadooda Puntland iyo taageeradooda, isagoo xusay sida ay Puntland uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta ay la leedahay deeq bixiyayaasha caalamka.