Somali News

Axmed Madoobe oo madaxda DF ku eedeeyey inay afduubteen doorashada dalka

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo galabta ku soo laabtay Kismaayo ayaa si adag uga hadlay arrimaha doorashada dalka, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo, isagoo sheegay in haatan Gedo laga aas-aasay kuwo ka daran jabhadihii dalka burburiyey sagaashamaadkii, sida uu sheegay.

“Waxaa la yiri doorasho sidaan haloo qabto maamul kastana laba magaalo ha ku qabto, anaga waxaa noo qiran inaan Kismaayo iyo Garbahaarey ku qabano doorashada, marka su’aashu waxay tahay Jubbaland maanta Garbahaarey ma ka talisaa? Jabhado iyo ciidan ayaa lagu sii daayey, maanta jabhadihii sagaashamaadkii ayaa wax lagu raadinayaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in madaxda federaalka ay fuliyaan wixii lagu heshiiyey oo gobolka Gedo ay ku soo wareejiso Jubbaland.

“Doorasho kuma dhaceyso noocaan afduubka ah, dalkan waxaa looga baahanyahay wixii lagu heshiiyey in la fuliyo, madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowladda federaalka waxaa looga baahanyahay inay kala saaraan, nooca lagu heshiiyey inay doorashadu u dhacdo iyo ololahooda doorasho inay kala saaraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Axmed Madoobe ayaa balan qaaday in xubnaha Jubbaland ku metela guddiyada doorashada hadii ay dalbadaan musharaxiintu uu bedeli doono.

“Dadka wax tabanaya hala ixtiraamo, madaweynuhu haduu yahay musharax waa inuu ka dhex baxaa heshiiska doorashada oo uu banaanka ka istaago musharaxiinta kalena uu ula sinaado” ayuu yiri.