Somali News

Baarlamaanka Canada oo ka hadlay dhibaatada Shiinaha uu ku hayo Muslimiinta

Baarlamaanka Canada ayaa u codeeyay in sida uu ula dhaqmo Shiinaha qowmiyadda Muslimiinta u badan ee Uighurs uu yahay “xasuuq” ka dhan ah bulshadaas.

Moshiinka ku saabsan tacaddiyada Shiinaha uu kula kaco Uighurs ayaa waxaa tageeray dhammaan xisbiyada mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan xisbiga haya talada dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo qaar badan oo kamid ah golahiisa wasiirada ayaa ka aamusay arrintani.

Canada ayaa noqonayaa dalkii labaad ee aqoonsado in xasuuq uu Shiinaha ku hayo dadka laga tiro badan yahay ee ka tirsan qowmiyadda Uighurs, Mareykanka ayaa horraan aqoonsaday dhibaatada lagu hayo dadkaas.

Xildhibaanada Canada ayaa sidoo kale ansixiyay qaraar dowladda looga codsanayo inay jeediso baaq caalami ah oo lagu dalbanayo in Shiinaha aanan lagu qaban ciyaaraha Olimbikada ee la qabto xilliyada qaboobaha sanadka 2022 waa haddii Shiinaha uu si wado xasuuqa.

Shiinaha ayaa ka jawaabaya tallaabadan, wuxuu cambaareeyay isla markaana ka hor yimid go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Canada, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xigasho:-BBC