Somali News

Badmaaxiin Iran u dhashay oo laga sii daayay gacanta burcad badeed Soomaali ah

Muqdisho-KNN-Madbaaxiin u dhashay dalka Iran ayaa waxaa laha sii daayay koox burcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo afduub ahaan u haystay.

Sida ay sheegtay warbixin lagu dabacay wakaallada wararka ee Reuters, badmaaxiintan ayaa ahaa Saddex ruux, waxa ayna u dhasheen dalka Iran.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la afduubtay sanadkii 2015-kii, waxaa sidoo mkale la sheegay in kooxdu ay ku sheegteen in laga bixiyo lacag madax furasho ah si ay u sii daayaan.

Dawlada Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay in ay gacan weyn ka gaystay sidii loo sii deyn lahaa Saddexdan badmaax.

Intii ay afduubka ku jireen ayaa waxa ay sheegeen in ay kala kulmeen kooxda ay gacanta ugu jireen xaalad nololeed oo aad u adag, sida jir dil ay u gayteen, gaajo iyo sidoo kale daryeel caafimaad darro.