Somali News

Bannaabixii Berri qorsheysnaa oo dib loo dhigay

Kulamo saacadihii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in dib loo dhigo bannaanbixii berri ee ay ku dhawaaqeen Xubnaha Mucaaradka.

Kulamadan ayaa waxaa qeyb ka ahaa wax garad iyo Odoyaal, iyaga oo la qaadanayay Golaha Bulshada Bannaadir oo ah xubnaha abaabulayaya Bannaabaxa.

Xubnaha waday wada hadalka ayaa waxaa hoggaaminayay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Oday dhaqameedyada, iyaga oo Guddigii qaban qaabada bannaanbaxa ku qanciyay in dib loo dhigo.

Xubnaha ku lugta lahaa Dadaaladan lagu baajinayo bannaanbaxa ayaa sheegay in ay oga golahaayeen sidii magaalada uga badbaadi laheyd khalalaaso, maadaama Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir isku khilaafeen dhicida Bannaanbaxa.

Bannaabaxa ayaa lagu taageerayay Ra’iisul wasaare Rooble, iyada oo looga soo horjeeday Dhacdadii 27- December ee lagu weeraray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.