Somali News

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Shirka Dhuusamareeb

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo war kasoo saaray shirka Dhuusamareeb, ayaa soo dhoweeyay wada-hadalada u socda Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleeyada.

Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ugu baaqeen dhinacyada in ay sii wadaan wada-xaajoodka si looga heshiiyo muranka ka taagan doorashada.

“Waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is wadar-ogol, si loo hirgeliyo heshiiskii 17 September ee doorashooyinka”ayaa lagu yiri Qoraal la soo dhigay Twitterka UNSOM.