Somali News

Booliiska Soomaaliya oo dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab

Taliska ciidanka booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa war ka soo saaray weerar ay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku soo qaadeen bar kontarool oo ciidamada ku leeyihiin degmada Heliwaa, gaar ahaan xaafada Suuqa Xoolaha.

Qoraal kooban ka soo baxay booliiska ayaa u qornaa sidaan

“Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee Ciidanku ka sugayaan amniga ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan Ciidanka, balse ciidanka ayaa mid kamid toogtay, dhagarqabaha la toogtay ayaa watay qori RBG ah oo hadda ay la wareegeen ciidanka booliska Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska.

W/Q: Hanad Abdi Mohamud Yusuf