Somali News

Booliiska Soomaaliya “waxaan soo xirnay Askari lacag baad ah qaadanayey”

Muqdisho-KNN-Af-hayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay Askari Kaamirad ka soo muuqday isagoo lacag baad ah ka qaadaya qof shacab ah iyo Ciidan kale oo musuq maasuq lagu eedeeyay.

Af-hayeenka ayaa sheegay in Askarigaan oo lagu magacaabo Cabdi Cabdulle Xasan in Ciidanka ay soo xireen ka dib markii uu qof Shacab ah ka qaaday lacag baad ah. Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay xiran yihiin ku dhawaad 30 isugu jira Saraakiil iyo Askar loo heysto eedeymo ka dhan ah Musuq maasuq.

Askarigaan ayaa waddo ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ku joojiyay gaari uu watay qof Shacabka ah, ka dibna waxaa uu weydiiyay aqoonsigiisa, markii uu sheegay in uusan waddana waxaa uu ka qaatay lacag laaluush ah.