Somali News

Booliska Somaliland oo Burco ku xiray dad Itoobiyaan ah iyo goobahooda Ganacsi

Hargeysa-KNN-Ciidamada Booliska magaalada Burco ee Somaliland ayaa maanta Albaabada isugu dhuftay maqaaxida laga cuntey jiray oo ka dhacday magaaladaas, taas oo lagu sameyn jiray cuntada Itoobiyaanka.

Ciidanka ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay dadkii Itoobiyaanka ahaay ee ka shaqeynayey maqaaxida.

Dad ku sugan magaalada Burco ayaa KNN u sheegay in Culimada gobolka Togdheer, gaar ahaan kuwa ku nool magaaladaas ay maqaaxidaas kusoo eedeeyeen in heesaha lagu dhagaysto sidoo kalana ay is dhex fadhiistaan ragga iyo dumarka isugu yimaada maqaaxidaas.

Magaalada Burco oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn deegaanada Somaliland, ayaa Taliska Booliska ee ka howlgala magaaladaas iyagoo ka jawaabaya soo jeedinta iyo cudsiga culuma Burco, waxa ay gabi ahaanba xiray maqaaxidaas oo ka mid aheed kuwo tiro yar oo ay leeyihiin dad Itoobiyaan ah.