Somali News

Booliska Soomaaliland oo ka hadlay sababta ay u xireen Xillibaan ka tirsan Golaha Wakiilada.

Hargeysa-KNN-Taliye ku xigeenka ciidanka  booliska Somaliland Maxamed Liibaan Fooxle ayaa waxaa uu ka Hadley isla markaana uu faah faahiyey sababta ay  xalay xabsiga u dhigeen xildhibaan Dhakool oo ka mid ahaa mudanayasha golaha wakiilada Somaliland.

Sidoo kale waxa u sheegay inuu ku xadgudbay qaranka Soomaaliland, isagoona sheegay in maalinta soomaaliland uu ku tilmaamay maalin madow, taasi oo dhibaato ku ah umada soomaaliland ayuu yiri Taliye ku xigeenka.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin dadka ku xadgudba gooni istaaga Soomaaliland.

Halkan ka Dhageyso.