Somali News

Booliska Turkiga oo xabsiga dhigay koox lala xiriiriyey Fatxullah Gulan

Istanbul-KNN-Ciidamada ammaanka Turkiga  ayaa maanta xabsiga u taxaabay ugu yaraan  24-qof oo lagu tuhmayo inay ka tirsan-yihiin urur laga mamnuucay dalka Turkiga.

Laamaha ammaanka ee dalkaas ayaa dadka la xirxiray ku eedeyay in falal amniga ka dhan ah ay ka wadeen gudaha dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbuul.

Ciidamada Turkiga ayaa joogto ka dhigay howlgallada ka dhanka ah kooxaha ka soo hor jeeda dowladda tan iyo sanadkii 2016-kii.

Sanadkaas dalka Turkiga waxaa ka dhacay afgambi dhicisoobay, waxaana xabsiga la dhigay kumanaan kun oo qof oo lala xariirinayo.

Hasa yeeshee weli gudaha dalkaas waxaa ka socda howlgallada lagu baacsanayo shakhsiyaadka xiriirka la leh wadaadka mucaaradka ah ee Taxullah Gulan.