Somali News

Boqortooyada Sucuudiga oo dal dalaysa sadex wadaad oo caan ah.

Muqdisho-KNN-Sida lagu daabacay wargayska Middle East Eye, Boqortooyada Sucuudiga ayaa qorsheenayso in ay dal dasho sadax wadaad oo caan ah kadib marka ay dhamaato bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wadaadan oo caanka ah gudaha Sucuudiga iyo guud ahaan caalamka ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Sheikh Salman al-Awdah, Awad al-Qarni iyo Ali al-Omari.

Sida mid kamid qaarabada sadaxdan Sheekh uu u sheegay wargayska Middle East, Boqortooyada ayaa ku doodaysa in sadaxdan Sheekh lagu helay falal argagaxisnimo lana qaarijin doono bisha soo aadan.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta Boqortooyada oo ku aadan warbixintan.

Sucuudiga ayaa bishii aynu soo dhaafnay daldalay illaa iyo 37 ruux oo lagu helay falal argagaxisnimo balse Qaramada Midoobe ayaa arintaasi Riyadh ku canbaaray’say.