Somali News

C/raxmaan C/shakuur oo Ra’iisulwasaare Rooble u diray baaq

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta caruurtooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea. 

Waalidiintan waxa ay hoggaamiyaha ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur la wadaageen murugada iyo tiiraanyada ka haysata maqnaashaha ubadkooda, waxa ayna qanacsanaan la’aan ka muujiyeen Guddiga uu dhowaan magacaabay Ra’iisulalwasaare Rooble, iyagoo sheegay in aan xaqiiqo raadin loo baahnayn ee ay u baahan yihiin in caruurtooda degdeg loogu soo celiyo.

C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaana baaq u diray Ra’iisulwasaare Rooble kaas oo ku aadan caruurta ay dowladda Soomaaliya tababarka ugu qaaday dalka Eritrea.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waalidiinta ay caruurtooda ka maqan yihiin ayaa banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho kadib markii ay warbixin ay soo saartay qaramada midoobey ay ku sheegtay in dagaalkii ka dhacay Itoobiya ay ka qeyb qaateen dhalinyatdii tababarka ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday dalka Eritrea.