Somali News

Cadaadiska haysta Ra’iisul Wasaaraha Britain oo sii kordhaya.

Muqdisho-KNN-Waxaa sii kordhaya cadaadiska haysta Ra’iisul Wasaaraha UK Therese May kadib iscasilaadii midkamid ah wasiiradaydii ugu muhiimsanaa. 

Adaree Liidhsom, oo ahayd gudoomiyaha aqalka Baarlamaanka Uk ayaa Arbacadii is casishay kadib markii ay sheegtay in aysan ladhacsaneen hanaanka ay UK kaga baxayso Midowga Yurub.

Dhawr wasiir oo katirsan xukuumada Therese May ayaa BBC’da u sheegay in Mrs May aysan awood u lahayn in xilka ay sii hayso.

Ra’iisul Wasaare May ayaa dhankeeda sheegtay in ay kaxuntahay in ay weeso midkamid ah wasiiradii ugu muhiimsanaa xukuumadeeda.

Baarlamaanka UK ayaa dhawr jeer oo hore ka horyimid in ay meel mariyaan heshiiska kabixitaanka Britain ee midowga.

Ra’iisul Wasaare Therese May ayaa bishii December ee aynu kasoo gudubnay ka badbaaday codka kalsoonida oo ay u qaadeen xubnaha Baarlamaanka UK.