Somali News

Canada oo tarxiileysa 150 dhalinyarro Soomaali ah

Ugu yaraan 150 dhalinyarro Soomaali ah ayaa lagu wadaa in laga soo tarxiilo dalka  Canada, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi.

Dhalinyarrada ayaa lagu eedeynaya in ay si sharci darro ah ku tageen dalkaasi, isla markaasna ay wateen Waraaqo been abuur ah.

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay soo faragaliso, oo ay hor-istaago qorshe ay dowladda Canada ku doonayso inay dalkaasi uga masaafuriso dhallinyaro Soomali ah oo si sharci darro ah dalkaasi ku galay.

Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintaasi aaanay waxba ka qaban karin kiiskan, ayada oo sheegtay in dadka aysan Canada ku gelin Soomaalinimo.