Somali News

Ciidada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka sameeyay Galbeed Kismaayo

Uruurkiisa 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xds ee Danab iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheeysan ka fuliyey degaanada dhaca galbeedka magaalada Kismaayo sida Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin.

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee Danab iyo Ciidanka Jubanland ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanadaasi oo ay qeybo kamid ah ku sugnaayeen.