Somali News

Ciidamada amaanka oo Baydhabo ku toogtay qof looga shakisan yahay Al-Shabaab.

Baydhabo-KNN-Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa soo sheegaya in Ciidamada amaanka ay xalay toogasho ku dileen wiil dhalinyar oo la sheegay inuu ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha amaanka ee Baydhabo ayaa sheegay in ninkaan ka hor inta aan la toogan in uu diiday amaro ay bixiyeen Ciidamada amaanka ee gobalka kadibna ay toogtayn Ciidamada iyagoo sheegay iney uga baqayn amaankooda.

Magaalada Baydhabo ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay waxay ka mid noqotay magaalooyinka ugu horreeyo Soomaaliya amnigooda soo hagaagayo kadib markii isbadal lagu sameeyay qaabka Howlgalka Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya qeybtooda ku sugan Koofur Galbeed Soomaaliya.