Somali News

Ciidamada Burundi oo ka baxay Kulliyada Jaalle Siyaad.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Burundi ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay bilaabeen inay ka guuraan  Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taala wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Xaflad lagu wareejiyay kuliyada Jaale Siyaad ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda ka socotay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka,Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa maanta goobjoog ka ahaa xaflada ka dhacday Kulliyadda Jaale Siyaad ee Magaalada  Muqdisho ay AMSISOM ku wareejineyso Xarunta Kulliyaddaasi.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa mudo ku dhow 10 sano waxaa ay deganaayeen xarunta Kulliyada Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxaa la qorsheeyay in ciidamada Burundi ay ka baxaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobalka dalka gaar ahaan Gobalka shabeelaha dhexe oo halkasi ay ku xoogan yihiin.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidamo badan oo ka kala socdo wadamo ay ka mid yihiin Burundi, Uganda, Rwanda, Jabuuti, Kenya iyo ciidamo kale.