Somali News

Ciidamada dalalka Asarbijan iyo Armenia oo madaafiic is weydaarsaday ayadoo xabad joojin ay jirto

Muqdisho-KNN- Dawlada Asarbijan ayaa sheegtay in 7 ruux oo rayid ah ay ku geeriyoodeen kadib duqeyn xoog lahayd oo xalay ka dhacday magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Ganja.

Wasaaradda gaashaandhiga Asarbijan ayaa sheegtay in duqeyntaas ay geysteen ciidamada Armenia oo ay ku dagaalamayaan gobolka Nagorno-Karabakh.

Warkaan waxaa lagu sheegay in ayadoo 24 saac uun ay jirto heshiiskii xabad joojinta ahaa ay ciidamada Armenia madaafiic ku garaaceen magaalada Ganja taasoo dhalisay khasaaro soo gaaray dad rayid ah.

Dhanka dawlada Armenia waa ay beenisay eeda dhanka Asarbijan waxaana ay sheegtay in ciidamada Asraayihiintu ay duqeeyeen magaalada xaduuda ku taala ee Stepanakert