Somali News

Ciidamada Danab oo howlgallo fuliyay iyo Talye Odowaa oo ka hadlay

Talyaha Ciidamada Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgal ay Ciidamada Kumaandooska Danab ka sameeyeen deegaanka Warciise ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Gen Odowaa oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in toddoba xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab weerarkaasi lagu dilay, halka tiro intaasi ka badan la dhaawacay.

Sidoo kale, talyaha ayaa sheegay in halkaasi lagu burburiyay Saldhigyadii iyo Xarruumo Maxkamad ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Warciise ee Gobolka Shabeellada Hoose, isla markaasna ay ka qabsadeen Hub iyo Gaari Hoomey ah.

Jeneraal Odowaa ma uusan sheegin tirada khasaaraha ka soo gaaray dagaalka ay la galeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Wararkii u dambeeyay naga soo gaaraya deegaanka Warciise ayaa sheegaya in halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidamada Militeriga gaar ahana Danab, kuwaasi oo howlgallo ka wada.