Somali News

Ciidamada Dowladda oo shegay in ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Ciidamadda Xoogga Dalka iyo kuwa NISA ayaa bariga magaalooyinka Dhusamareeb iyo guriceel howlgalo ay ka fuliyeen ku dilay sida ay shegeen inka badan 20-Dagaalame oo katirsan Al-shabaan iyagoo  gacanta ku dhigay walxaha qarxa.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii ugu dambeeyay kordhiyeen howlgalada ay ku baacsanayaan Al-shabaan taasi oo keentay inay ku guuleeystaan kahortaga dhagar badan oo ay soo maleegeen nabadiidka iyagoona dilay horjoogayaal i badan sida uu shegay Taliyahu.

Majiraan wax hadal oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan sheekashada Ciidamada Dowladda oo ah in ay dileen xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab