Somali News

Ciidamada Dowladda oo soo bandhigay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay.

Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Xuseen Aadan oo Magaciisa Afgarashada uu yahay ( Amiir Arbac) oo ka Mid ahaa Dagaalamayasha Al-shabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60aad.

Ciidanka xoogga Dalka ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Xuseen Dagalamayasha Al-shabab uu ku jirey mudo 2 sano ah  isagoo u qaabilsanaa sida ay shegeen jabhada.

Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale sheegay in Cabdiraxmaan Xuseen ka soo howlgalay deeganada gobolka Hiiran, Isagoo ka qeyb qaatey Dagaalo Dhowr ah oo ka dhacay Deeganada Gobolkaasi.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay Sababta ku Dhaliftey in Al-shabab isaga soo baxo ay tahay ,ka dib Markii aan arkey khilaafka dhexdooda Al-shabab ka jira ,Cadaalada darida ,Noolal Xumo ,ku dhaqanka diinta Islaamka oo ay ka been sheegeen iyo Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri’’

Dhanka kale Cabdiraxaman ayaa Saaxibadiisa kale ee hada qorsheyneya In isaga soo baxaan Alshabab ugu Baaqey in ay Dowladda isku soo dhibaan ay ka mid noqdaan Shacabkooda iyo Dowladooda.