Somali News

Ciidamada Galmudug oo maanta adkeeyay amniga Wadooyinka gala Guriceel

Guriceel-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Galmudug ay maanta xireen wadooyinka soo gala Magaaladaasi, iyagoona halkaasi baaritaano ka wado.

Baaritankan ayaa ka dambeeyay  kadib markii shalay halkaasi  lagu qabtay Nin doonayay in uu isku qarxiyo goob ay munaasabad ka socotay, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Galgaduud Maxamed Cabdi Weli Tooxow.

Ciidamada Galmudug oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa wadooyinka  gala Magaalada  Guriceel,iyaga oo howlgallo baaritaan ah ka wada.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in Ciidamada Galmudug ay shalay  ilaa 5 ruux oo kale u qabteen qarixii Ciidamada ay ka hortageen dadkaas oo lagu tuhmayo inay abaabuleen qaraxa.

Ciidamada amaanka ayaa aad u adkeeyay amaanka magaalada Guriceel, iyadoona wadooyinka dadka shacabka ah loo diidayo.