Somali News

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyda Soomaaliya oo howlgal gaar ah ka sameeyay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ilaalada ka ah Madaxtooyada ayaa la sheegay Xalay iyo Saakay inay baaritaanno kawadeen Xaafado kamid ah magaalada Muqdisho kadib markii Shalay la duqeeyay Xafiisyo ku yaala Villa Somalia.

Ciidamadaan ayaa lagu sheeegay marka hore inay howlgal ka sameeyeen Xaafado ku yaalla dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya ee ka tirsan degmada Wartanabadda ee Gobalka Banaadir, waxaana la tilmaamay in ay galeen dhowr guri oo halkaasi ku yaalla.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in milatariga soomaaliya guryihii ay galeen, guri kamid ah ay ka soo qabteen qaar kamid ah qoyskii daganaa waxaana lagu tuhunsan yahay in ay hoobiyaashii lagu weeraray Villa Somalia ay ka dambeeyeen.

Sidoo kale Ciidamadaan ayaa saakay aroortii hore waxay howlgal ay ka fuliyeen Xaafado ka mid ah degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.