Somali News

Ciidamada Jubbaland oo miinooyin ka soo saaray Jubada Hoose.

Kismaayo-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay saraakiisha amaanka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay howgal miino baaris ah oo ay ciidamada Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobalka Jubada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa ay ciidamada amaanka ka sameeyeen deegaanka Qooqaani ee Gobalka Jubada Hoose.

Sarkaal ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkaas ay fashiliyeen miinada oo la doonayay in la qarxiyo,hayeeshee ma uusan shaacin in holwgalka dad ay kusoo qabteen.