Somali News

Dagaal udhexeeya Ciidanka Maamulka Somaliland & kuwa SSC oo kasocda duleedka Laascaanood

Waxaa dagaal uu kasocdaa duleedka Magaalada Laascaanood oo lasoo warinayo in hadda laga maqlayo rasaas culus oo udhexeysa ciidanka Maamulka Somaliland iyo kuwa SSC ee kasoo horjeeda Somaliland inkastoo aan weli la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale Ciidamada Somaliland ayaa dhaq dhaqaaq xooggan waxay saacadihii lasoo dhaafay kawadeen Gobolka Sool, Ciidamada ku sugan Taliska Gooja-cadde iyo jiidda Tukaraq ayaa aroornimadii hore ee saaka la geliyay heegan buuxa waxaana sida la sheegayo ay wadaan dhaq dhaqaaq iyo diyaar-garow.

Waxaana Xukuumada Somaliland ay dhinaca kale ciidamo geysay dhanka Dhoodida halkaas oo ay maalmahan ka samaysteen fariisimo cusub ciidamadii ugu badnaa ayaana lasoo dhoobay halkaasi.

Dagaalkan iyo Dhaq dhaqaaqyada kale ee kasocda Gobolka Sool ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli Maanta lagu wado in go’aanno laga soo saaro shirka Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC ee isimada Goboladaasi uga socday  Magaalada Laascaanood.