Somali News

Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland oo maanta madaafiic isku weydaarsaday Sanaag.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland ay maanta madaafiic isku weydaarsadeen Gobalkaasi.

Madaafiicda ayaa waxaa laga maqlayay deegaanka Ceelcad oo u dhaxeeya deegaanada Yubbe iyo Hadaaftimo ee Gobalka Sanaag.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in cabsi badan ay soo wajahday Shacabka ku nool deegaanada ka tirsan gobalka Sanaag oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Magaalada Badhan ayaa hada waxaa ku sugan xuno ka tirsan golaha Wasiirada Maamulka Puntland.

Dhinacyada Soomaaliland iyo Puntland ayaa ciidamo iyo hub fara badan geynaya deegaanada ka tirsan Gobalka Sanaag.

Somaliland, ayaa todobaadkii hore weerar ku qaaday deegaanka Damale-Xagare oo ay xiligaas joogeen xubno ka tirsan Puntland, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.