Somali News

Ciidamada Soomaaliland oo maanta fariisin ka sameystay Gobalka Sanaag.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya degmada Yubbe ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta saldhig ka samaysteen cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Somaliland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa KNN u sheegay in ciidamada Soomaaliland ay maanta fariisin ka sameysteen degmada Yubbe, kuwaasi oo wata ilaa 30 tekniko ah islamarkaana ay halkaasi saldhig ciidan ka samaysteen.

Ciidamada oo shalay ka soo baxay magaalada Ceerigaabo ayaa doonaya in ay isku fidiyaan dhammaanba degaannada ku yaalla koonfurta iyo bariga gobolka Sanaag si ay uga hortagaan weerarro Somaliland uga yimaada dhanka Jabhadda Caarre ee ku sugan aga’gaarka magaalada Qardho.

Maamulka Puntland ayaan wali jawaab ka bixin saldhiga ciidamada Somaliland ay ka samaysteen degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaal uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag.