Somali News

Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka oo kaabiga ku haya magaalada Camaara

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa kaabiga ku haya magaalada Camaara ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u gali doonaan magaalada Camaara oo muddo dheer ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Dhinaca kale, Ciidamo ka tirsan Militiga iyo dadka deegaanka ayaa u dhaqaaqay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil kale.