Somali News

Ciidamada Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan koofurta Mudug

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Koofurta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga iyo Kuwa NISA ay saakay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

Deegaanada ay ciidanka la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Caad, Camaara iyo Ceel huur oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in  howlgalkan uu xalay Soo bilowday, islamarkaana weli uu howlgalkaasi socdo.

 Saraakiil Ka tirsan Ciidanka xoogga ayaa sheegay in ciidamada ay ku wajahan yihiin Degmada Xarardheere Ee koonfurta Mudug oo ah Saldhiga ugu Weyn Al-Shabaab Ee Koonfurta Gobalkaasi.

Al-shabaab ayaa xilligan waxaa soo wajahay dhibaato xooggan, taasi oo kaga imaanaysa ciidamada xoogga dalka iyo diyaaradaha Mareykanka.