Somali News

Ciidamada xoogga oo Baaritaano ka wado Duleedka Bariire.

Afgooye-KNN-Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaali ayaa maanta dha-dhaqaaqyo balaaran waxay ka wadaan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada hoose oo ay xalay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada ayaa baaraya deegaano u badan dhul mii ah oo beero ku yaalaan iyo xaafado aan badneen waxayna dadka degaanka waydiinayaan xogta ay ka hayaan Al-shabaabka ku sugan degaanka.

Ilaa hada ma jirto wax dad ah oo ay Ciidamada soo qabteen balse waxaa la soo sheegaya in arintaan ay cabsi ku beertay dadka degaanka oo u badan beeralay iyo dad reer mii ah kuwaas oo ka cabsi qaba in Bariire ay marti geliso dagaalo u dhaxeeya Ciidamada difaaa Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Saraakiisha milateriga Soomaaliya ee Shabeelada Hoose ayaa KNN u sheegay in ay ku raad-joogaan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay aaminsan yihiin in ay ku sugan yihiin goobo aan ka fogayn Bariire.

Saraakiishaan ayaa sheegay in qorshaha dhaq-dhaqaaqa ay wadaan uu yahay sidii ay usoo Afjari lahaayeen Al-shabaabka ka dagaalama Shabeelada Hoose. Milateriga Soomaaliya ayaa Al-shabaaab ka saaray degaankaasi 8 maalmood ka hor.

Bariire waa degaan katirsan degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada Hoose Al-shabaab wax ku dhow 5 jeer ayaa laga saaray inkastoo ay ku soo laabteen kadib markii ay ka soo baxeen Ciidamada Soomaaliya. Qabsashada degaanada aan ka fogeyn magaalada Muqdisho islamarkaana ah Tuulooyin dowladda Soomaaliya waxay uga dhigan tahay Guul wayn oo ay gaartay.