Somali News

Ciidamada Xoogga oo isku-fidayay deegaano ku yaal dulleedka Dhuusamareeb

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ka fuliyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Howlgalka ayaa xooggiisa ka dhacay tirsan   Deegaanada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo jahada koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Taliye xigeenka Guutada 15-aad G/le. Xirsi Cali Quuri ayaa sheegay in dagaalmayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanada Howlgalka ay ka fuliyeen ay isaga baxsadeen goobahaasi.

Sidoo kale talyaha ayaa sheegay in Ciidamadu guul  kasoo hooyeen Howlgaladan oo mudoba socdey.

Howlgalaadan ay ciidamada ka fuliyeen duleedka Dhuusamareeb, ayaa ku soo aadaya xili maalin ka hor Hoobiyeyaal lagu weeraray magaaladaasi, iyadoo ku suganyihiin madaxda ugu sarreysa ee dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.