Somali News

Ciidamada Xoogga oo soo bandhigay xubno ka soo goostay Al-shabaab

Ciidamada dowladda ayaa maanta soo bandhigay Labadaan wiil oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaasi oo ka soo goostay, isuna soo dhiibay Ciidmada Xoogga ee ku sugan degmada Xarardheere.

Saraakiisha Ciidanka ayaa raggaan magacyadoodu ku kala sheegay Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikar, iyaga oo sheegay in ay uga kala biireen gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Raggaan ayaa sheegay in ay gabi ahaanba isaga baxeen Al-shabaab, iyaga oo sheegay in ay doonayaan billaabida nolol kale.

Ciidamada Dowladda ayaa maalmihii la soo  dhaafay howlgallo xooggan ka wada deegaannada iyo degmooyinka Maamulka Galmudug iyo guud ahaan dalka.