Somali News

Ciidamada xoogga oo Xudur geeyay gaadiid ku xayirnaa Ceelberde

Ciidamada xoogga dalka oo maalmihii la soo dhaafay howlgal ka dhan Al-shabaab ka waday waddada isku xirta degmooyinka Xuddur iyo Ceelberde oo ka tirsan Gobolka Bakool ayaa maanta halkaasi geeyay gawaaridii u rarneyd ganacsatada magaalada Xuddur.

Gawaaridan oo muddo ku xayirnaa magaalada Ceelberde ayaa si nabadgelyo ah loogu galbiyay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool, kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgallo waddo nadiifin ah ka sameeyeen inta u dhexeysa labada Degmo.

Ganacsatada ayaa soo dhaweeyay in si nabadgelyo ah magaalada loo geeyo gawaaridii u rarneyd, halka markii hore ay gaadiidka isticmaali jireen inta u dhexeysa deegaanka Qurac Joome iyo magaalada Xuddur.