Somali News

Ciidanka amniga gobolka Hiiraan oo soo bandhigay nin ka soo goostay Al-shabaab

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab una qaabilsana aruurinta Sakada ayaa isku soo dhiiba laamaha amaanka ee dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Xasan Cilmi Siyaad, isla markaasna uu Al-shabaab u aruurin jiray Sakada.

Mar uu warbaahinta la hadlay ayuu sheegay in si iskiis ah kaga soo goostay Al-shabaab.