Somali News

Ciidanka Militeriga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan hoos yimaada Guriceel

Ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay maanta la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Jaw oo qiyaastii 55-km u jira Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidanka Hoggaamineysa ayaa sheegay in ay dagaal la galeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka, isla markaasna ka saareen.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in ay hadda gacanta ku hayaan deegaanka, iyaga oo baaritaano xooggan wada.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo ay qeyb ka yihiin Ciidanka Militeriga Dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.