Somali News

Ciidanka Puntland oo Garoowe ka bilaabay Howgal ka dhan ah Masoomeyaasha

Garoowe-KNN-Ciidamada amaanka ayaa Howgalkan ka dhan ah dadka Masoomayaasha waxaa ay ka bilaabeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Saraakiisha Ciidanka booliska Gobalka iyo kan Magaalada ayaa horkacaya howlgalada ka soconaya Magaalada Garoowe, kaasi oo lagu baadi goobayo dadka masoomayaasha ah .

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in dad masoomayaal ah ay gacanta ku soo dhigeen, islamarkaana ay tilaabo cad ah ka qaadi doonaan.

Howlgallada lagu ugaarsanayo dadka masoomayaasha ah ee ay sameynayaan ciidamada amaanka Magaalada garoowe ayaa labadii maalin waxaa uu ka socdaa Magaaladaasi.