Somali News

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka oo la wareegay magaalada Camaara

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa hadda si buuxda ula wareegay magaalada Camaara ee gobalka Mudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in magaalada si buuxda loola wareegay ka dib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen.

Dagaalameyaasha Al shabaab ayaa isaga baxay magaaladaasi.